Jawaari Oo Afduubtay Kulamadii Barlamaanka Caqabadna Ku Noqday Dhismaha Xukuumadda {AKHRISO DOCUMENT-GAAN}

Fadhiyadii Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa xanibmay kadib markii Xildhibaanadii iyo Guddoonka Baarlamaanka ku mashquulan dhismaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.

Xildhibaanada ayaa habeen iyo maalin waxay hor dhooban yihiin Xafiiska Madaxwaynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaraha iyagoo xilal u raadinaya beeshooda waxayna gabeen dantii guud waxayna horumarinayaan dantii gaar ahaaneed.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waqtigiisa badan waxaa uu gelinayaa sidii sii hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Fargeeti ugu dhigi lahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda cusub.

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan Musuq maasuqa, ku tumashada sharciga dalka ee Gudoomiye Jawaari iyo in uu caqabad ku noqday hawlihii shaqo ee R/wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo gabi ahaanba ah mid sharciga dalka u yaala baalmarsan.

Ma jiro Xildhibaanada wax kulan ah oo yeelanayan,jadwalka baarlamaanka oo noqday aan ka war sugno dhismaha Golaha Wasiirada iyo dano gaar ah.

AKHRISO DUCUMENT-GAAN