Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaarey sidii ay Xukuumadda cusub u yeelan kaheyd Seddex {3} Ra’iisul weasaare ku xigeen.

Beelaha Digil iyo Mirifle, Hawiye iyo Dir ayaa loo qorsheeyay inay kala qaataan Seddexdaasi jago, mid walba oo ka tirsan Ra’iisul wasaare ku xigeenadaasi ayaa loogu tala galay inuu ka shaqeeyo dhawr Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda la soo dhisi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo xigtey inay Dawladiisa yeelan doonto Seddex Rai’isul wasaare ku xigeen, hadalkaan ayaa Madaxweynaha laga helay xilli uu qaabilayay mid ka mid ah Beelaha xusul duub uga jira sidii ay u qaadan lahaayeen Waasarado waa-weyn.

Warku waxa uu intaasi raacinayaa in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu aqbalay qorshaha Madxaweynaha ee ku aadan sidii ay Xukuumadda cusub u heli laheyd Seddex Ra’iisul wasaare ku xigeen.

Golaha Wasiirada ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo ayaa la shegayaa inay tiradoodu gaari doonto Toddobaatan (70) Wasiir oo isugu jira Soddon Wasiiro, Soddon Wasiir ku xigeen iyo Tobban Wasiiru Dawlayaal, sababaha loo balaariyay Xukuumada ayaa lagu macneeyay inay la xiriirto sidii loo qancin lahaa beelaha Soomaaliyeed.

Maalmaha soo socda ayaa la hadal hayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo Xukuumada cusub, horey ayaa dhawr jeer waxaa dib u dhac ugu yimid waqtigii la filayay in Golaha Wasiirada la soo bandhigo.