Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan shirar la yeeshay odayasha dhaqanka beelaha qaarkood waxyana shirarka ahaayeen dalab ka yimid Madaxweynaha.

Dalabkaan ka yimid Madaxweynaha ee ahaa inuu la kulmo Odoyaasha ayaa ku koobnaa beelaha H/Gidir iyo Abgaal oo maalmo isku xiga uu la kala kulmay, isagoo kala hadlay taageerada dowladiisa iyo awood qeybsiga beelaha.

Illo-wareedyo ka tirsan xafiiska Farmaajo ayaa Xogta Media u sheegeen in kulanka uu Farmaajo la yeeshay Odoyaasha Habar-gidir la isku maandhaafay.

Odoyaasha ayaa Madaxweynaha u arkay mid uu u gafay Beeshooda Habar Gidir waxayna keentay inuu ka cudur-daarto Farmaajo waxuuna sheegay inay taladiisu ahayd beelaha waaweyn inaan xilal sare loo dhiibin, isla markaana uu iskula taliyay intii uu beesha Habargidirna Ra’iisal wasaare u magacaabi lahaa inuu magacaabo shaqsi kasoo jeeda Beelaha Gugundhabe.

Kaftankii Madaxweynaha ayaa isu rogay godob ay ka tirsadeen odayaasha H/Gidir oo oday dhaqameed ka mida uu Farmaajo ku tilmaamay mid ay gaaban tahay aqoontiisa dadka Soomaaliyeed, isagoo ku qabsaday inuu Gef bareer ah kula kacay Beelweynta Habargidir.

Is-maandhaafka ayaa lagu xaliyay markii uu cudurdaartay madaxweyne Farmaajo oo ka raali geliyay hadalkiisu inuusan xumaan ula jeedin.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa lagu tiriyaa Siyaasi aad u gaaban tahay Maskaxdiisa isla markaana inta badan aan ka fiirsan hadalada afkiisa kasoo baxaya waxaana lagu tilmaamaa nin aad u fudud oo aan ka fiirsasho Siyaasi laheyn.