Ummad ahaan adduunka aynu joogno haweenku waxay leeyihiin taariiq aad u qoto dheer, xilli walba oo la joogo gabdhuhu waxay door fir-fircoon ku lahaayeen qeybaha ay ka kooban tahay nolosha, dunida maanta aynu ku dhaqan nahay dumarku waxey kaga jiraan kaalin horseednimo, udub dhaxaad waxay u yihiin casriga la joogo.

Xaqiiqdii Waa wax lagu faani karo kaalintooda waxqab ee aan qarsaneyn haddey ahaan lahayd howsha guriga ama tan dibadda, Kartida, Ad-adeyga iyo Xil kasnimada ay mudooyinkaan dambe muujiyeen waxay dhalisay in dumarku la siiyo tixgalin iyo xuquuq ka balaaran tii ay horey bulshada ugu dhex lahaayeen.

Inkastoo ay jiraan hablo aad u qiima badan, Sharaf leh, Dhawrsan, Cibaado badan, Garasho fiican, Aqoon sare leh, Xijaaban, Xishoonaysa, Gob ah, Darmaan dumar ah, faham-na u leh Waajibka dusha ka saaran iyo Xaquuqda ay leedahay ayaa misana waxaa dhanka kale soo badanaya qaar haween Bi’iyaal ah oo Maryihii tuurtay, xad gudub ba’an ku haya dhinacyada Diinta, Dhaqanka iyo hab nololeedkii caadiga ahaa ee dadkooda.

Marka aad u kuur gasho qeylo dhaanta ay qabaan dumarka, doodoodu waxay u badan tahay iney yihiin dad Biri magaydo ah oo jilicsan una nugul in la dhibaateeyo, dhabtii waa run in dumar aan yareyn oo isugu jira kuwo nala dhashay ama na-dhalay ama la qabo inay la kulmaan xadgudub jireed iyo mid maskaxeed sida Dil, Kufsi, Barakac, Jir dil, Daryeeel la’aan, Guur qasab ah, Takoor, Aflagaado, iwm.

Waa nasiib daro iyadoo habluhu ay ka sheeganayaan in loo geysto tacadiyo baahsan in haddana iyagii wax tabanayay iney maanta la yimaadaan dhaqan xumo ka weyn xad gudubyadii ay ka qaylo dhaaminayeen sida iney is-qaawiyaan, iyagoo ku soo labisanaya dhar aan asturneynin jirkooda, khafiif ah, ku dhegan ama ku gaa-gaaban.

Horseed waxaa ka ah anshax xumada soo badanaysa hablaha FANAANINTA ee qurbaha ku nool, la yaab waxaa leh sida ay hoboladaasi jirkooda ugu soo bandhigaan hees walba oo ay soo saarayaan, xiiliyada kale ee haweenku is qaawiyaan waa waqtiyada ay ka qeyb qaadanayaan Aroosyada, Casuumadaha, Xafladaha, Dalxiiska badda iyo Shirarka lagu marti qaado.

Maalinba maalinta ka sii dambaysa haweenku waxay daaqada ka sii tuurayaan xishoodkii, dhawrsanaantii iyo deganaantii lagu yaqiinay, dhaqankii suubanaa waxay ku badaleen Isla wareeg, Balwad, Ganacsi aan habooneyn, Is-cadeys aan xad lahayn, Iimaan daro, Xan joogto ah, Maqaalafanimo, Single Mother iyo inay ka cararaan oo ay ka faanaan masuuliyaddii Hooyanimo.

Lama soo ururin karo qaladaadka ay haweenku sameynayaan, gefefka ay galayaan waa tiro beel hase yeeshee waxaa ugu mug balaaran weyneynta iyo u dabaal degida xuska lagu magacaabo 8-da Maarso oo xilliyadaan oo kale hablo u badan dan yar Soomaaliyeed si aad ah loogu daaliyo, xuskaan ayaa haweenku waxaa loogu sheekeeyay inay tahay maalin ku asteysan xilligii ay ka xoroobeen dhiig miiratadii tacadiga ku sameyn jirtay, dabaal degaan ay haweeenku u ciidaan sanad walba waqtiyadaan oo kale ayaa wuxuu ka soo jeedaa dhaqan gaalo oo aan wax boos ah ku lahayn Diinta Islaamka.

Gef kastaa waxuu leeyahay ciqaabtiisa sidaasi daraadeed ceeb malaha haddii dumar kasta lagu ciqaabo hadba inta uu la eg yahay xad gudubka ay sameysay, mar haddii ay gabdhuhu yihiin Quruxda, Macaanka iyo Dha-dhanka nolosha waxaa haboon si ay uga bad-baadaan ciqaabta Adduun iyo mida Aaqiro inay marka hore Allihii abuurtay u Towba keenaan, marka xigana ay ka tagaan falalka aan faa’iidada u lahayn, hadafna waa inay ka dhigtaan sidii ay uga waantoobi lahaayeen inaaney marnaba raadinin wax ka badan waxii ay Diinta u ogoshahay.

WQ: Wariye Shiiqaaloow
Muqdisho, Soomaaliya

Loading...