Isku dey waali ku dhisan ayaa socda, riyo maalmeed aan socon doonin ayaa lagu jiraa, sheeko baraley aan gadmeyn ayaa la hadal hayaa, waa socon waynay ee aan orodno ayaa la wadaa, rabitaan aan shaqeyn doonin ayaa la sheeg-sheegayaa, fudeyd ayaa muuqanaya, dareen waxaa laga qabaa in lagu dhaqaaqo talaabo aan la mahadin doonin.

Warar aan la jecleysan ayaa la hadal hayaa tan iyo intii uu dhacey isbadalkii Wadanka, ifafaalo aan fiicneyn ayaa soo baxaya, tuhun waxaa laga qabaa in lagu dhaqaaqo wax aan macquul aheyn, iska horkeenka Madaxda cusub iyo ummadda u badan G/Banaadir ayaa laga shaqeynayaa, jalaafo ayaa la doonaya in loo dhigto hore u socodkii maamulka Gobolka, la yaab waxaa leh wararka suuqa la soo galiyay ee oronaya waxaa la kala qaadayaa maamulkii mideysnaa ee G/Banaadir.

Walaac ayay dad badan ku abuurtey arintaasi, digniino ku aadan inaan la fududaanin ayaa la bixiyay, waxgarad badan ayaa hoosta ka xariiqey haddii lagu deg-dego kala qaadida maamulka G/Banaadir inay abuuri karto dib u dhac iyo cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan, manaxayaal jecel inay kufiyaan Madaxweynaha ayaa la tuhmayaa inay dabada ka riixayaan sidii loo kala jabin laha G/Banaadir, hadafka kooxdaasi ayaa lagu macneeyay inuu ku saleysan yahay sidii ay fadhiid uga dhigi lahaayeen horumarka Gobolka, lama oga odeygu inuu qaadan doono fekera danaystayaashaasi iyo in kale.

Hawl kasta oo lagu dhaqaaqo waxay yeelataa faa’iido iyo qasaaro, dhaqan ahaan G/Banaadir wuxuu ku wanaagsan yahay in loo daayo sida uu yahay, wey adag tahay in si hufan loogu shaqeeyo xil la kala jabiyay, wada shaqeyn la’aan ayaa albaabka soo jabsan doonta, is tuhun, is eed-eed iyo kala jiidasho maamul ayaa furmi doonta, amni daro, isla xisaabtan la’aan, musuqa oo xoogeysta iyo dib u dhac ayaa lugaha lala gali doonaa haddii la kala qaado maamulka G/Banaadir.

Ma taalo sabab iyo baahi keeni karta in la kala qaado maamulkaasi, waa dhici kartaa in Madaxweynaha lagu qaldo kala qaadistaasi, hubaashii haddii Hogaamiyaha Villa Somalia la galiyo arintaasi waxaa xaqiiqo ah inuu weyn doono jaceylka, kalsoonida iyo taageeridii ay u hayeen shacabka G/Banaadir.

Waa ayaan darro in xilligaan la isku dhabar jabiyo sidii loo kala qaadi lahaa maamulka Muqdisho, ma qurux badna in la dhabar wareemo rabitaanka bulshada Gobolka oo xiisaynaysa in Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu isku ahaado hal shaqsi oo kaliya, suuragal ma aha waxii wadajirka Gobolka lagu waayo in lagu heli karo kala qaadida maamulkaasi, danta qarsoon ee arintaasi laga leeyahay ayaa ah sidii beelo gaar ah xilka la kala qaadayo loogu naasnuujin lahaa.

Maslaxda ummadda G/Banaadir ayaa ku jirta in hal meel oo qura looga arimiyo Gobolka, Dawladihii hore ee Dalka soo marey markii ay garwaaqsadeen waaqiciga jira ayay go’aamiyeen inaan marnaba la kala qaadin maamulkaasi, Madaxweynaha maanta haddii uu doonayo inay sii jirto taageerada loo hayo waxaa la gudboon inuu ku daydo masuuliyiintii ka horeysay.

Loading...