DHAGEYSO: Xildhibaanad Hudda Oo Ka Hadashay Inay 3 Nin Hal-Mar Wada Guursatay.

Hudda Axmed Cali oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya inay isla guursatay seddex nin hal-mar.

Arrintaa oo maalmihii ugu dambeeyay Soomaalida hadal hayeen ayay Xildhibaanada ku sheegatay in wararkaasi been abuur ay tahay, islamarkaana uu arinta ceebeynteeda uu ka dambeeyay boqorka beesha ay kasoo jeedo, sida ay hadalka u dhigtay.

Xildhibaanada waxay sheegtay inay aad uga xumaatay in boqorka beesha ay kasoo jeedo uu faafiyo ceeb intaasi la eg, sida ay sheegtayna ay la xisaabtami doonto.

Waxay ku tilmaamtay sababta Odayga arrintaasi ku qasabtay inay tahay inuu doonayo in ceeb darteed kursiga looga tuuro kadibna uu dad kale ka gato kursiga, sida ay hadalka u dhigtay, taasoo u muuqata in balan ay wada dhigteen ugu baxday Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa tilmaamtay iney marar badan isku dayday iney la hadasho Boqorka beesheeda laakiin uu diiday inu joojiyo ceebta iyo fadeexada uu ku hayo.

Ilaa hadda ma jirto jawaab laga helayo dhanka Boqorka ay eedeyntaasi u jeedisay Xildhibaan Hudda Axmed Cali, balse Shabakada Xogta Media ayaa baadi-goob ugu jirta sidii Odayga u heli laheyd kadibna arrintaan wax ugu weydiin laheyd.

DHAGEYSO WAREYSIGA XIL. HUDDA AXMED CALI

Loading...