DAAWO SAWIRRO: Bilic-Sami Ayaa Badashey Bur-Burkii Waddada Marinaayo {Ex. Bandar Qaasin}.

Laami baaba’ay oo isu badaley godod biyo fariisan ah, baalle jabey iyo mid qaloocan, fiilo go’dey oo dhulka daadsan, geed qalaley, maarshibiyeedi fuq-fuqey, qashin waddada dhexdeeda la soo dhigey iyo fool xumo kale ayaa loogu tagi jirey haddii aad booqato Deegaanka ay ku taalo waddada MARIINADA Ex. Bandar Qaasin balse iminka loogu wanqalay waddada Dr. Kadare ee Magaalada Muqdisho.

Waddadaasi oo ka mid ah waddooyinka ugu caansan ee G/Banaadir ayaa waxay u dhaxeysaa Degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis, cisbitaalka Keysaney, Kawaan Bari, xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya iyo goobaha laga helo kheyraadka lagu dhisto guryaha Magaalada ayay waddadaasi xiriirisaa, in ka badan rubac Qarni ma aysan helin wax dayactir ah, in la nacey oo la iska illoobay ayay u muuqatey, gaadiid u badan baabuurta raaxada ayaa dhibsadey illaa ay qaarkood ka go’een isticmaalka jidkaasi.

Jaceyl, xiiso iyo hilow cidna uma aysan qabin inay ku tamashleyso waddadaasi, Ja-jab, jug-jug iyo dhabar xanuun ayaa lagala soo laaban jirey marida dariiqaasi, intaasi oo nasiib daro ah iyo in kale oo ka badan ayaa ku habsatay quruxdii ay beri hore laheyd Marino Road {waddada marinaayo}, sabraa ayaa sedkiisa hela, 27-sanno kadib ayaa dhawr maalmood ka hor waxaa loo qalab qaatey dayactirka, hagaajinta iyo laami saarida waddadaasi, haatan meel fiican oo lagu faani karo ayay hawshaasi maraysaa.

Horey haddii isticmaalka waddadaasi lagala kulmi jirey daal, dhib iyo rafaad Nabee {Walee} iminka waa lagu raaxeysanayaa ku tamashleynteeda, hambalyo waxaa mudan intii ka shaqeysay hagaajinta wadadaasi, boqolaal qof oo ku faraxsan guusha laga gaarey dayactirka waddadaasi ayaa maanta booqasho ku tagtey jidkaasi, maskax iyo maal ayaa la galiyay balse waxaa loo baahan yahay in lagu fara adeygo illaalinteeda.

Haddaba haddii lagu najaxey dhismaha waddadii Marinada ee Degmooyinka Kaaraam iyo C/casiis, sidee baa iyana loo dhisi karaa wadooyinka harsan sida Beexaani, Sii-sii, Nasiib buundo, Soddonka, Maanabolyo, Genen Daa’uud iyo kuwa kale ee dhiman?

WQ: Wariye Shiiqaaloow
Muqdisho, Soomaaliya

Loading...