DAAWO: Madaxweyne Geelle Oo Si Cajiib Ah Diyaarad Nooca Boing 787 Uga Dejiyay Garoonka Addis Ababa.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Taariikh culus waxa uu ka sameeyay Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, waxuuna ka dajiyay Diyaarad nooca Boing 787.

Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti waxaana Diyaaradda ku wehliyay qaar kamid ah Wasiiradiisa iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Itoobiya, waxuuna si Kaftan ah Duuliyaha Diyaaradda ugu codsaday in marka Addis Ababa loo dhawaado isaga Diyaaradda loo dhiibo uu uu ka dajin doono Garoonka.

Balse markii loo dhow yahay Addis Ababa ayaa Madaxweynaha loo sheegay inuu Diyaar noqdo waxuuna kusoo fadhiistay xaga hore ee Diyaaradda laga hago taasoo Yaab ku noqotay Asxaabtii Wasiiradaha dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ka kala tirsanaa kuwaasoo xaga hore dhamaan u wada yimaadeen si ay u daawadaan qaabka uu Diyaarada u dajinayo Madaxweyne Gelle.

Madaxweyne Geelle ayaa si cajiib ah Diyaarada u dajiyay taasoo aad ugu farxeen Madaxdii la socotay oo Fajac ku noqotay arrintaasi, waxaana Durba Airport-ka soo buuxiyay Saxaafadda oo Shirkada Ethiopian Airlines ay ku wargelisay in Madaxweynaha Jabuuti Diyaaradeeda maanta uu soo dajiyay kuwaasoo aad u wareystay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA