Ciidamada Nabadsugida Oo Gacanta Ku Dhigeen Gaari La Doonayay In Qarax Xoogan Lagu Fuliyo.

Col. Saadaq Xasan Cali

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulka Galmudug ay xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan oo la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure.

Saraakiisha Nabadsugida Galmudug ayaa sheegay in gacanta lagu haayo labo qof oo gaarigaas la socday, waxaana ay tilmaameen in Al-Shabaab ay dooneysay in gaariga qaraxa ku weerarto Caabudwaaq.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen inuu soo maray gaariga deegaanada ay gacanta ku heysto Ahlusuna.

Illaa labo gaari ayaa la sheegay in la isku bedelay qaraxa, waxaana gaadiidkii markii hore qaraxa ka soo qaaday Galhareeri uu gaari kale ku wareejiyay markii uu soo gaaray inta u dhaxeysa deegaanada Godinlabe iyo Mareer Gur.

Ugu dambeyn Saraakiisha Nabadsugida Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbixin dhameystiran ka soo saarayaan gaariga waxyaabaha qarxa sida ee ay gacanta ku dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, Nabadsugida ka howl-gasha deegaanada Galmudug ayaa ah kuwa aad u indho fiiqan isla markaana dhowr jeer fashiliyeen weeraro al-Shabaab damceen inay ka fuliyaan deegaanadaasi, waloow deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland ay ka dhacaan weeraro ay al-Shababa fuliyaan balse Galmudug ayaa arrintaasi si weyn ugu hortagta.

Loading...