Beryihii ay socodeen ololayaasha musharraxiintii u tartamaysay doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxweynaha cusub ee dalka mudane- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku guuleeystay doorashada, waxa ay taageerayaasha Farmaajo faafinayeen warar sheegaya in uu madaxweynuhu yahay hoggaamiye dhaqsa ku beddeli doona wax kasta oo ay bulshada Soomaaliyeed dhibaato ku qabtay.

Faafinta wararkaas, oo ay dadka ka-fiirsashada badani buunbuunin iyo ka-badbadis u arkayeen, ayaa waxaa durba aaminay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay dhibaatooyinka sannadaha badan dalka ka jiray ay shacabka ka dhigeen rejo-ku-noolayaal u dheg-taaga cid kasta oo wax dantooda ah u sheegaysa.

Arrinta ugu weyn ee ay taageerayaasha Farmaajo buunbuuninayeen ayaa waxa ay ahayd in wax laga qaban doono culaysyadii heystay dadka ku nool Muqdisho, gaar ahaanna waddooyinka ay askartu dadka ka xiraan.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo, waxaa halkeeda ka sii socotay xiritaanka waddooyinka, iyada oo ay dadku is-weyddiinayaan sababta ay ciidamadu weli u sii wadaan hab-dhaqankii ay musharraxiintii madaxtinimada iyo taageerayaashoodu ku dhaliili jireen dowladdii hore ee madaxweyne- Xasan Sheekh.

Saaka oo ugu dambeysay waxaa xiran waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, halkaas oo ay askartu gawaarida u diidayaan in ay  maraan. Waxaana la arkayaa dadweyne ku lugeynaya waddooyinka, ka dib markii ay waayeen gawaari ay raacaan.

Waxaa kale oo iyadana buunbuunintii taageerayaasha Farmaajo ka mid ahayd in si degdeg ah wax looga qaban doono qaraxyada ka dhaca Muqdisha oo ay ka dhigi jireen dhaliil u gaar ah madaxweyne Xasan; hase ahaatee markii Farmaajo la doortay illaa iyo hadda waxaa dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay dad badan ku dhinteen.

Dhacdooyinkan ayaa waxa ay caddeynayaan in filashada iyo rejadii laga qabay isbeddel degdeg ah oo uu madaxweyne Farmaajo ummadda u horseedo, ay ahayd hriyo laga badbadiyay oo aan xaqiiqada ku salaysnayn.

Waxa ay arrimahan farriin cad u direyaan madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, si ay dib ugu noqdaan riyooyinkoodaas, oo garwaaqsadaan in  wax ka qabashada dhibaatooyinka bulsho ay yihiin caqabado xukuumado badan soo hortaagnaa, wax-ka-qabashadoodana aanay hadal uun ku suurtagelayn e, howl iyo halgan loo baahan yahay.