Bandoow Lagu Soo Rogay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Ee Dalka Kenya {SABABTA AKHRISO}

Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in Bandow ay ku soo rogtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kadib markii ay soo badatay cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidnaka Kenya ayaa u sheegay Warbaahinta in Bandowgan oo xilliga habeenkii ah lagu adkeynaayo oo kaliya ammaanka guud ee dalkaasi, gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

Waxay tilmaameen Saraakiishan inAy heleen macluumaad sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro, sidaasi darteedna ay doonayaan ciidamadooda inAy arrimahaasi ka hortagaan.

Bandowgaan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona Somalida ku nool xeryaha Dhadhaab, waxaana horey sidan oo kale dowladda Kenya ay bandow ugu soo rogtay Gobolka NFD.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraro waxa ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari.

Dhawaan ayeey aheyd markii dabley hubaysan Xeryaha Dhadhaab ay ka soo afduubteen Macalimiin u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo la sheegay in dhinaca Somaliya ay la soo aadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, wixii ka dambeeyey sanadkii 2011 oo ciidamada dalkaasi gudaha usoo galeen Somaliya.

Loading...