Illaalada Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin waday gaari ay ku qabteen Koontaroolka laga galo Aqalka cad ee Mareykanka.

Ninka ayaa u sheegay Ciidamada Illaalada Aqalka cad in uu wado Gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa sidaas darteedna ay tahay in ay sii daayaan ama uu is qarxiyo.

Ciidamada ayaa isku gedaamay gaariga waxaana ay qabteen ninka wadaha ka ahaa kaas oo hadda xabsi ku jira.

Saraakiisha ammaanka Aqalka Cad ayaa TV-ga CNN u sheegay in ninka la xiray islamarkaana gaariga laga waayay walxaha qarxa,waxaana ay intaas ku dareen in ay wadaan Baaritaan dheeraad ah.

Sidoo kale Waddooyinka gala aqalka cad ayaa la xiray waxaana bandow la saaray xaafaddaha ka agdhow Aqalka cad ee Mareykanka iyadoo oo ninkaasina ay baaritaan ku hayaan Saraakiisha ammaanka.

Shilkan ka hor waxyar ayaa Nin watay Baaskiil uu iska tuuray waxaana uu ku dhacay Iridda gudaha ah ee Aqalka cad inkasta  uusan gudaha hore galin,waxaana gacanta ku dhigay Illaalada Aqalka oo isagana xiray.