Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ilaa iyo hadda marna uusan ka hadlin ku dhawaad 50 qof oo Soomaali ah oo saarnayd doon oo lagu laayay xeebaha dalka Yeman muddo hadda laga joogo labo maalin.

Tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafeysa 50 ruux, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku sii jeeday dalka Suudaan, kana ababaxday xeebaha Yemen.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaashay doonta ayaa sheegay in ay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan ururka socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Dowladdaha is-baheysiga, ayaa saaka beeniyay in diyaaradahooda ay ka dambeeyeen duqeynta lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaalidda.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Laakiin dadka dhintay maadama Soomaali yihiin Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho dadkeeda lagu laayay Yeman.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo looga baahna inuu la hadlo dadkiisa isla markaana tacsi u diro eheladii dadkii dhintay ayaa isna ka gaabsaday, wuxuuna waqtigiisa ku bixinayaa dhismo gole Wasiir iyo qaabilada wafdi halka uu waqtigiisa ugu badan gelin lahaa masiibada ka dhacday Yeman oo dad soomaaliyed ku naf waayan.

MAGACYADA DADKA KU DHINTAY DUQEYNTII DOONTA WAXAA KA MIDA:

1-Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2-Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3-Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4-Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5-Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin.

6-Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.

7-Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8-Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9-Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

10-Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaabood.

11-Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.

12-Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13-Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14-Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15-Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho).