Mashquulkooda ma yara, har iyo habeen waa soo jeedaan, qaabilaad aan kala go’ laheyn ayay ku jiraan, Xildhibaan sii baxaya, mid soo galaya, qurba joog xil-doon ah, odey beeleed ku khaylinaya balan ayaan leeyahay, saraakiil fadhiga ku hurdeysa, shisheeye danno kala duwan wata iyo dad dhaqaale doon ah ayaa ishaada buuxinaya haddii aad booqato xafiisyada Madaxweynaha ama kan Ra’iisul wasaaraha ee ka furan xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Nasasho ma helaan, Hergalmo iyo hooyaad waa loo diiday, xilli walba shirar aan kala kac laheyn ayay ku jiraan, safaf dhaa-dheer ayaa loogu jiraa la kulankooda, saqdii dhexe xitaa dad ayaa sugaya, Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraihiisa MASHAQO ayaa haysata, la tashiyo aan dhamaad laheyn ayay ku jah-wareersan yihiin, nooca xukuumada la soo dhisi doono ayay mshquul ku yihiin, tirada Wasiirada la magacaabayo inta ay noqonayaan ayaa dhibaato ku hayso.

Beel walba oo ay la shiraan waxay ku cadaadinaysaa sidii rabitaankeeda loo qaadan lahaa, dhoola tus siyaasadeed ayaa lagu qal-qaliyay, qolo kasta waxay isu muujinaysaa inay tahay quwad xoog badan oo muddan in la tixgaliyo codsigeeda, handadaad, caga jugleyn iyo meel ka dhac ayay mararka qaarkood Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarahiisa kala kulmaan hogaamiyaasha beelaha xildoonka ah, inta badan waxaa la isku heystaa Wasaaradaha muhiimka ah, qabiil walba wuxuu xusul duub ugu jiraa hanaankii uu ku dhacsan lahaa Wasaarad mug-weyn.

Culeys siyaasadeed ayaa Farmaajo iyo Kheyre dusha ka saaran, hebel qor iyo hebel tir ayay ka dhamaan la’yihiin, faanoole fari kama qodna, maanta, berri iyo saa-dambe midna loogama fadhiyo inay soo dhameystiraan liiska xukuumada laga sugayo, inkastoo labbadda nin ay leeyihiin aqoon ku filan ayaa haddana waxaa ka muuqata waaya aragnimo la’aan, fudeyd iyo ogaal la’aan ka haysata sidii ay u wajihi lahaayeen waaqiciga dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Deyro {saluug} ayaa laga muujinayaa hab dhaqanka Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarihiisa ee ku aadan Dawlad dhisida Soomaaliya, cabsi ayaa laga qabaa inay keenaan Wasiiro aan ka soo dhalaali Karin wajiibaadka loo igmado, tuhun ayaa laga muujinayaa inay soo ururiyaan xubno loo soo yeeriyay, kuwa lagu soo cadaadiyay iyo qurba joog aan xog-ogaal aheyn isla markaana aan laheyn khibrad maamul, nabad iyo horumar midna aan abuuri Karin.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan ayaa ka wel-welsan xukuumadda la soo dhisi doono inay noqoto middii ugu tayada xumeyd ee mudooyinkaan dambe soo marta Wadanka, Wasaaradaha waa-weyn ee loo yaqaano {A} ayaa loo maleynayaa in lagu taxi {siin} doono beelaha uu is riix-riixa ka dhaxeeyo, dagaal culus iyo cambaareyn ayay wajahi doonaan labdda masuul (Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha) marka ay soo bandhigaan liiska magacyada xukuumadooda, ololayaal iyo shirar looga soo horjeedo xukuumadaasi ayaa suura gal ah inay ka qabsoomaan Magaalada Muqdsho.

Farmaajo iyo Kheyre oo haatan u muuqda in LUQUNTA LA HEYSTO ayaa loo hibeeyay Tallooyin ku saabsan inay xor ka noqdaan qancinta beelaha, madax u salaaxida Xildhibaanada iyo u dhaga nuglaanta qurba joogta u ordeysa sidii mar uun loo dhihi lahaa Wasiir, tilmaamo ku saleysan in caddaalada la illaaliyo ayaa la siiyay, in si siman beelaha wax loogu qeybiyo ayaa loogu cel-celiyay, fariimahaasi haddii ay qaataan madaxda soo dhisaysa xukuumada cusub waxaa suurtagal ah inay guuleystaan haddiise ay LA HEYSTAYAAL u sii ahaadaan beelaha uu xifaaltanka ka dhaxeeyo waxaa hubanti ah inay ku dhici doonaan god maddow oo u daran mustaqbalkooda Siyaasadeed.