Ra’iisul-wasaare Kheyre Oo Si Kulul Ugu Hadlay Soomaalidii Diyaarada Ku Xasuuqday Xeebaha Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa war ka soo saaray duqeyntii shalay lala beegsaday doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo marayay xeebaha Yemen, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 42 ruux.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee lagu duqeeyay xeebaha dalka Yemen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.