Dowlada Soomaaliya Oo Isbaheysiga Sacuudiga Ku Eedeysay Soomaalidii Lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeyn ay ku dhinteen  qaxootigii Soomaali ah xeebaha dalka Yemen.

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu xasuuqay Xeebaha Yemen ay mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo iyo dowladda Yemen ee QM ay aqoonsan tahay.

“Waxaan ka xunahay xasuuqa foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku safrayay doonta,kuwaas oo ahaa qaxooti muddo ku noolaa Yemen,balse hadda doonayay in ay nolol u raadsadaan meelo kale, wax la aqbali karo ma ahan, waxaana mas’uul ka ah xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yiri Wasiir Haddliye.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen,waxaana Gantaal lagu dhuftay doon ay la socdeen Soomaali qaxooti ah ku dhintay 42 Ruux ,halka 80 kale ay ku dhaawacmeen.