Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lasoo warinayaa in xaalad aad u culus oo wajahday kadib markii uu ku dhaqaaqay arrin uu ku kordhinaayo Golaha Wasiirada ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Illo-wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xafiiska Farmaajo ayaa Shabakada Xogta.com u sheegeen inuu Farmaajo ka dhaadhiciyay R/wasaarihiisa Xasan Kheyre in Golaha Wasiirada oo u qorsheeyeen in 25 Wasiir laga dhigo lagu daro tiro 5 Wasiir ah lagana dhigo 26 Wasiir.

Farmaajo ujeedkiisu ahaa in min lix wasiir la siiyo si siman shanta beelood ee Soomaalida, wasiirada uu soo kordhiyayna uu doonayay inuu xaliyo shaqsiyaad xildhibaanada ee muhiimka u ah kalsooni siinta xukuumadda, balse arrintaan ayaa keentay keentay khilaaf ka dhex dhashay awood qeybsiga beelaha dhexdooda.

Caqabada ugu culus ee Farmaajo xiligaan soo wajahday ayaa ah in beelihii dhexdooda isku haystaan xilka soo kordhay jufada la siin lahaa waxaana xafiiska Farmaajo buuxiyay Xildhibaano horkacaya Odoyaal iyo Ganacsato oo Dood xoogan ka qaba arrintaasi isla markaana beelaha kale ku dacweynaya Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa waxaa qasab ku noqday in beel walba kulan uu ugu yeero xafiiskiisa isla markaana uu arrintaasi kala tashto isla markaana beel walba usoo bandhigo cida beeshaasi ka tirsan ee Wasiirka laga dhigayo kuna qanciyo in qofkaasi yahay qof Beesha magac ahaan uun la wadaaga balse isaga shaqsiyan u doortay.

Farmaajo oo aheyd Dastuurka inuu ka madax-banaanado xulista Xukuumadda ayaa xiligaan fara-galin xoogan ku haya shaqada laga sugayay R/wasaare Kheyre waxaana Farmaajo labeeya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo la sheego inuu yahay ninkii Farmaajo u suurta galiyay inuu Madaxweyne noqdo oo Dhaqaalaha ka taageeray..

Si kastaba ha ahaatee, toddobaadka soo socda ayaa laga yaabaa in lagu dhawaaqo Xukuumada cusub oo marka lagu dhawaaqo hadana caqabad xoogan ku noqon doonta Farmaajo iyo kooxdiisa sidii ay Barlamaanka ugu heli lahaayeen codka Kalsoonida maadaama Xildhibaano badan oo Farmaajo u sheegay inuu Wasiiro ka dhigayo looga baxay balanta kuwaasoo xiligaan isku aruursanaya hoteelada Muqdisho.

Loading...