SAWIRRO: Xildhibaanada Soomaaliya Oo U Kala Shaqeynaya UK Iyo USA.

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay xubnaha labada aqal ee Dowladda Soomaaliya kuwaas oo sida hadda muuqata la kala qeybsaday kana shaqeynayan danaha labada wadan USA iyo UK.

Xildhibaano gaaraya 30 oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya tegay safaaradda Mareykanka iyadoo loo qabtay Seminaar ku saabsan sidii ay u sameysan lahaayeen Isbaheysi ay codkooda ku muujiyaan waa sida loo dhigay qorshahan.

Talaabada Safaaradda Mareykanka qaadan ayaa ah sidii ay USA saameyn ugu yeelan lahayd Gudaha labada aqal isla markaana dad Iyaga u shaqeeya u noqon lahaayan xubnaha labada gole ee tagay Safaaradda, taa bedelkeedana waxaa la siinaya Qarash ay ku maareeyan noloshooda.

XUBNIHII HAYSTAY DHALASHADA UK OO SI GAAR AH ULA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA UK.

Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Boris Johnson oo maanta booqasho ku yimid magaalada ayaa la kulmay Xildhibaanada haysta dhalashada dalka UK arintaas oo dad badan Soomaaliyed shaki gelisay, waxaa is weydiin leh isaga ma wuxuu u yimid dowlad Soomaaliyed iyo taageerada dadka Abaarta haysa mise wuxuu u yimid inuu ahmiyad siiyo xubnaha haysta dhalashada dalka UK ee labada dal u shaqeeya.

Si kastaba ha ahaatee, Dunida kama dhicin dad u dhaartay dalkooda inay u adeegan ama ka shaqeeyan danaha dalal kale waxaana taasi dunida looga arkaa qiyaano qaran hase yeeshe soomaaliya waxay ka noqotay faan iyo dhoola tus siyaasadeed.

DAAWO SAWIRADA HAWEENKA SAFAARADDA MAREYKANKA WAX LOOGU SOO YEERIYAY.