R/Wasaare Kheyre Oo Ku Goodiyay “Waxaan Bilaabayaa Isla Xisaabtan Hey’adaha Dowladda Ah”

Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya yaa sheegay inay bilaabaneyso waqtigii isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, isagoo cadeeyay inuu ku dadaali doono nidaam kala dambeyn ah oo Xukuumaddiisa la timaado.

Kheyre ayaa sheegay in la ilaalin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda, isla markaana shaqaalaha qudhooda lagila xisaabtami doono shaqooyinka ay hayaan.

Kheyre ayaa xusay inay muhiim tahay in hey’ad walba ay ka soo baxdo howsha loo igmaday, isagana uu ku dadaali doono kormeerka iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda

“Waxaa ku dadaali doonaan nidaam kala dmabeyn inuu yimaado, idinkana xuquuqdiina la ilaaliyo, wax ka dhaxeyn doonaan ma jiri doonaan dadka inay halkan ka shaqeeyaan ama aanay ka shaqeyn, ma jiri doonto in xafiisyada dowladda oo dhan inay dad ku qoran yihiin ayagoo shaqeyneyn”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

R/wasaaraha ayaa hadalkaan shalay ka jeediyay kulan uu la qaatay shaqaalaha xafiiskiisa, waxaana uu balan qaaday in cid walba lagula xisaabtami doono howsha ay heyso.

Si kastaba ha ahaatee, Shaqaalaha dowladda ayaa lagu dhaliilaa in iyagoo aysan shaqeyn inay mushaar iska qaataan, qaarkood waxaa la sheegaa inay min labo wasaaradood ka shaqeeyaan, iyagoo adeegsanaya labo magac oo ay mushaarka ku qaataan.