KASHIFAAD: Farmaajo Iyo Agaasimihiisa Madaxtooyadda Oo Lacag Laaluush Ah Ka Qaateen Shirkada PGM Ee Turkiga Laga Leeyahay {CADEYN}

Xarunta Madxatooyada Qaranka oo ah halka looga arimiyo Wadanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegtay Shaqadii Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya si aan waafaqsaneen Dastuurka dalka u yaala.

Sida ku cad Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Villa Somalia oo heshay Shabakada Xogta.com ayaa lagu sheegay in xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u ogaaladey Shirkada PGM in loogu daro muddo Seddex {3} bilood ah si ay u sii wataan hawshooda inta ay ka keenayaan sheybaarkii lagula socon lahaa tayada badeecadaha ka soo degayo dekadda magaalada Muqdisho.

Warqaddaasi ayaa ku kala socotey Wasaaraddaha Ganacsiga, Maalliyadda iyo Dekadaha, sidoo kale waxaa qoraalkaasi ogeysiin lagu siiyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Warqada ayaa sedexdaasi Wasaaradood iyo Rugta Ganacsiga lagu farey waxii dheeraad ah oo ku saabsan arintaasi inay kala soo xiriiraan Madaxweynaha Soomaaliya, warqadaasi oo soo baxdey 8-dii bisha Maarso 2017 ayaa waxaa ku saxiixnaa Agaasimaha Guud {KMG} ee Madaxtooyada JFS Danjire Cali Saciid Faqi.

Amarka Madaxtooyada ayaa u muuqda inuu yahay mid sharciga hareermarsan, fasaxaasi ay bixisay Villa Somalia waxaa iska lahaa oo shaqadeeda uu ahaa Wasaaradda Ganacsiga hase yeeshee waxaa muuqanaya in la hareemarey oo Farmaajo iyo howl-wadeenadiisa Madaxtooyada ay lacag ka qaateen shirkada PGM.

Shirakadda PGM ee muddo kordhin loo sameeyey ayaa waxaa horey uga dhamaadey lix bilood oo ay siisay Dawladii Xasan Sheikh, shirkadaan oo laga leeyhaay dalka Turkiga ayaa hawsheedu waxay tahay inay la socoto tayada badeecadaha imaanaya, waxayna Konteenar walba ka qaadaa adeeg gaar ah oo loogu talagalay shirakadaasi.

Shirkadaan PGM waxay aheyd shirkadii ka dambeysa dilkii Ganacsade Cabdirashiid Ilqeyte oo lahaa hotel Suxufi taasoo dishay kadib markii Ganacsadahaasi uu keenay fikirka Shirkad Soomaaliyeed oo adeegaan qabanaysa balse markii uu howl-bilaabay ayay dishay kadibna waxaa dalka timid shirkadaan PGM oo Turkey laga leeyahay ayna Soomaaliya u joogeen masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsanaa.