SAWIRRO: Sanad Guurada 57-aad Ee Xiriirka Somalia Iyo Pakistan Cayaar Lagu Xusay.

Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 57aad ee xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee dalkaasi Pakistan.

Cayaar Kubadda Cagta ah oo Saaxiibnimo oo lagu weyneynayay maalintaasi qiimaha u leh labada dalka ayaa Cayaartooy ka kala socotay dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan waxa ay ku dhex martay Garoonka Kubadda Cagta Karachi waxaana usoo daawasho tagay Cayaartaasi Masuuliyiin labada dhinac ka kala socday oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cayaaraha dowladda Pakistan ee gobalka Sindh Mudane Sardar Ahmed, Safiiradda Somaliya u fadhida Pakistan Marwo Khadija Mohamoud AlMakhzuumi, Madaxwaynihii hore ee Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Qunsulka Somalia ee Pakistan Mudane Abdullahi Haaji Daa’uud Warsame, iyo masuuliyiin sare sare oo ka kala socday labada dal.

Ciyaartan oo ahayd mid kulul ayaa labada kooxood is mari waayeen, waxayna ugu danbayn noqotay in lagu kala baxo Rigoore ama gool ku laad iyadoo kooxdii Somalia ay dhalisay afar gool halka kooxdii Pakistan dhalisay saddex gool sidaas ayaana guushu ku raacday Somaliya.

Taageerayaal badan oo ka kala socday labada dal ayaa usoo daawasho tagay Ciyaarta oo ahayd mid Taariikhi ah oo aan waligeed horay uga dhicin Pakistan.

Wasiirka Cayaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Hormarka xiriirka Somaliya iyo Pakistan isagoo sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in labada dal ay sii hormarin doonaan xiriirkooda Saaxiibtinimo.

Safiiradda Somalia ee Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in ciyaarta noocaan oo kale ah ka turjumayso xoojinta xiriirka labada dal, waxayna u rajaysay guud ahaan labada dal guul iyo baraare iyadoo sidoo kale sheegtay inay gacan ka gaysan doonto sidii loo hormarin lahaa xiriirka Somaliya iyo Pakistan.

Ugu danbayntii Ciyaartaan oo ahayd mid xiiso leh ayaa kasoo qayb galayaashu sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay kasoo qayb galaan, waxayna sheegeen in ay tahay markii ugu horraysay oo ay daawadaan ciyaar noocaan oo kale ah oo dhex maraysa Pakistan iyo Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Karachi waxay hooy u tahay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jira Arday, Ganacsato iyo Qoysas.

Duran Hassan
Karachi, Pakistan