Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa maanta ka ambabaxay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, 50 meeyo Xildhibaano ka tirsan labada gole, Diblomaasiyiin iyo Saraakiil ciidan ayaa ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa waxaa horay u sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kalkaaliyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxaa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo bilooyin ah, isagoo dalka dib ugu soo laaban doona.

Hadal kooban uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku siiyay Warbaahinta ayuu sheegay in safar ugu baxayo Turkiga, muddo kooban kaddib uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doona, isagoo ugu baaqay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lalana garab istaago dowladda.

Waxaa uu ku baaqay in la iska kaashado sidii loogu gurman lahaa abaaraha, waxaana uu tilmaamay in howsha ugu weyn ee u taala ay tahay sidii dadka abaaraha ay saameeyeen loogu gurman lahaa.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu noqdo Madaxweyne dalka soo maray oo aan dal kale weydiisan magangalyo siyaasadeed, iyadoo Madaxdii horay xilalka u soo qabatay looga bartay inay dalal dibadda ah magangalyo ah muddo degenaayeen, qaarkoodna ay magangalyo ahaan u joogeen, waxaa la xusuustaa inuu ka mid ahaa dadkii aan marnaba dalka ka tagin kaddib bur burkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa hore u balan-qaaday inuusan dalka ka bixi doonin isla markaana Siyaasadda kusii dhex jiri doono waxuuna dalka ka maqnaan doonaa maalmo kooban oo Nasiino u joogi doono Turkiga kadibna soo mari doono talka Tanzania oo qaar kamid ah Caruurtiisa ay ku nool yihiin.