Lamaane ku cool gobolka Mudug ayaa joojiyay xafladdii arooskooda oo ku bixi laheyd dhaqaale fara badan, xili dadka Soomaaliyeed abaar ba’an la dhimanayaan. Taas badalkeedna waxay sameeyeen arin aad loogu farxo oo horay aysan ugu dhicin dhulka Soomaalida.

Lamaanahaan oo lagu kala magacaabo Liibaan Jaamac iyo Caasho Maxamuud ayaa xafladdii meherkooda kadib, waxay soo iibiyeen cunto iyo cabitaano waxayna u qebiyeen qoysaska abaaraha kasoo barakacay ee ku nool duleedka Gaalkacyo, halkaasi oo ay ugu geeyeen raashinka. 

Tallaabadani oo u diiwaan gashay lamaanahaani dhaqaalihii arooskooda iyo tamashleyntooda ku bixi lahaa u weeciyay walaalahooda dhibaateysan ayaa dadka Soomaaliyeed ay aad u soo dhoweeyeen, waxaana si aad looga hadal hayaa baraha bulshada ku xiriirto.