DHAGEYSO: Abwaan Sangub Oo Karbaashay Xildhibaanada Taageersan RW Cabdiwali “SABAB”

ABWAAN SANGUB

sangub

Shalay kulankii Baarlamaanka waxaa lagu joojiyay Hees ay qaadayeen Xildhibanada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo aheyd Soomaaliyeey Toos,waxaana qaadista heestaasi Xilidhibaanadu fowdada  ay ku sameeynayeen dhibsaday qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed.

Abwaan Maxamed C/llaahi Ciise ”Sangub” ayaa sheegay in Heesta Soomaaliyeey Toos loo adeegsado Nabadda oo aan loo Isticmaalin dagaal,waxaana uu Carabka ku dhuftay in Xildhibaanada qaaday aysan aqoon micno ahaan.

“Waa xad gudub in Xildhibaanadii Soomaaliya ay fowdo u qaadaan Heesta Qaranka, Xildhibanada iyaga ayaa laga rabaa in ay hagaan Bulshada Soomaaliyeed”a yuu yiri Sangub.

Sidoo kale Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaa asna sheegay in Xildhibanada Soomaaliyeed ay meel uga dhaceen Qaranka Soomaaliya iyo jiritaanka Ummadda intaba.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA ABWAANADA SANGUB IYO MUSTAFE XAAJI CILMI