DAAWO QOSOLKA: Cabdi Good Oo Karbaashay Fanaanada Xamda Queen “Hoo Baaruud, Daahir Yaa Shamis”

GOOD_XAMDA QUEEN

Ustaad Cabdi Good Abees oo soo saare ka ah Barnaamijka Isir Raaca Afka Soomaaliga ee ka baxa TV-ga Somali Channel ayaa Toddobaadkaan waxuu Barnaamijkiisa Xiisaha leh ku falan-qeeyay Hees ay qaado Fanaanada reer Hargeysa Xamda Queen.

Heestaan oo Muuqaalkeeda ay Fanaanada kusoo duubtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayuu Cabdi Good si weyn u falan-qeeyay Miraha heestaasi oo uu ku tilmaamay mid lagu tuntay Fanka Soomaaliyeed oo uu aad u qaldan yahay Midhaha Heestaasi oo uu sameeyay Abwaanka reer London ee Adxa.

Cabdi Good, waxuu heestaan ku tilmaamay mid dhanka Miraha oo qaldan isla markaana Fanaanada Xamda Queen ay muuqaan Anshaxa Diinta Islaamka ku wanaagsaneen ay kusoo duubtay, waxuuna heestaan la barbar dhigay Hees uu sameeyay Abwaan Cabdiqaadir YamYam oo ay qaado Fanaanada Khadra Daahir “Isha Shacabka Mari” isagoo Heestaasi uu sameeyay Abwaan YamYam ammaan la dul-dhacay kuna tilmaamay Hees aan jirin wax lamid ah oo Suugaanta Soomaalida ku jira.

HALKAAN RIIX EE DAAWO MUUQAALKA QOSOLKA BADAN EE CABDI GOOD
GOOD_XAMDA QUEEN

Loading...