Maxaa Ka Jira In Arday Soomaaliyeed Oo Turkiga Ku Nool Laga Helay Cudurka Ebela.

201482635425382058266855ebola-guinea-body

Safiirka Somaliya ee Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa si xoogan u beeniyay in mid ka mid ah ardayda Somaliyeed ee dalka Turkiga, laga helay cudurka halista badan ee Ebola.

Warbaahinta Somalida qaarkeed, ayaa waxay baahisay in arday Somaliyeed oo waxbarasho u joogga dalkaasi laga helay Virus-ka Ebola, isla-markaana uu kula ildaran yahay Xarunta Turkiga.

Safiirka, ayaa ku waramaaya in dalka Turkiga uu ka mid yahay dalalka caalamka ee ka fog Afrikada Galbeed, isla-markaana uu Ebola ku egyahay uun halkaasi, oo aanu jirin wax saamayn ah oo uu cudurkaasi ku yeeshay dalka Turkiga.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in gabar Somaliyeed oo waxbarasho u joogto Turkiga, ay maalmo ka hor xanuunsatay, lagana helay qandho daran, isla-markaana ay ka bugsatay, dibna ay waxbarashadeedii u bilowday.

Danjire Mursal, ayaa Warbaahinta Somalida kaga digay inay baahiyaan wararka xaqiiqda ka fog, isla-markaana ay xiriir la soo sameeyaan masuuliyiinta Safaarada Somalida ee Magaalada Ankara, bal si xaqiiqda ay dadka u gaarsiiyaan.

Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo dadka Somaliyeed ay walaac xoogan ka qabaan in dalka uu ku soo fido Virus-ka Ebola, tan ugu dhow oo uu ku soo gaari karaana ay tahay, in iyadoo dad ka socdo Afrikada Galbeed ay yimaadaan dalka.

Dalka Sierra Leone, ayaa waxaa la sheegay in maalin kasta ay 20 ruux ugu geeriyooto cudurka dilaaga ah ee Ebola.