Hogaamiye Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Si La Yaab Leh Ugu Hadlay Cudurka Ebola.

ebola

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen cudurka dilaaga ah ee Ebola oo fara kulul ku haayo Galbeedka Afrika, xilli dhawaan ciidamo ka socda dalka Sierra Leon oo Soomaaliya loo soo waday la joojiyay cudurka Ebola awgiis.

Guddoomiyaha Ururka Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo la hadlay Idaacada Al-Furqaan, ayaa wuxuu ka hadlay cudurkaasi iyo suurtagalnimada in ciidamada Sierra Leon ka socda Jubbooyinka ay ku faafiyaan Gobolada Jubbooyinka.

Wuxuu ku waramayaa in ciidamada Sierra Leon ay qatar ku yihiin nolosha dadka ku nool Gobolada Jubbooyinka, maadaama dalkooda cudurka halista uu ka taagan yahay ciidamo ka socda Sierra Leon ay joogaan dalka Soomaaliya.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfi ayaa tilmaamay in dadka ku nool Magaalada Kismaayo laga rabo inay galaan feejignaan ku aadan ka hortagga cudurkaasi iyo inaysan u dhawaanin ciidamada ka socda Sierra Leon xerooyinka ay ka joogaan Kismaayo.

Guddoomiyaha Shabaab ee Jubbooyinka wuxuu sidoo kale sheegayaa in Ebola looga hortagi karo in dadka ku nool Kismaayo ay la dagaalamaan ciidamada Sierra Leon ka socda sidoo kalena aysan waxba ka iibin ciidamadaasi.

Cudurkaan halista ah ee Ebola ayaa waxaa lagu kala qaadaa si fudud, waxaana la tacaalayaa aduunka oo sameynaya ka hortag ku aadan faafitaanka cudurkaan.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in cudurkaan ay u geeriyoodeen in ka badan 4,000 kun oo qof.