MSF Oo Weli Qaadeysa Culeyska Ebola

201482635425382058266855ebola-guinea-body

Hey’adda MSF ayaa sheegtay ballanqaadyadii kaalmo ee dhawaan iyo geynta shaqaale galbeedka Africa inaysan wax sameyn ah ku yeelan xanuunka safmarka ee Ebola.

Msf- oo ah ururka ugu weyn ee la tacaalaya Ebola- ayaa sheegay inay tahay wax lagu qoslo in mutadawaciinteeda ay weli qaadayaan culeyska.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sameeyey yabooh kale oo deg deg ah uu ku raadinayo deeq gacan ka geysan karta la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Waxa uu sheegay in qeylodhaan uu diray bishii hore uu ku baaqay in gargaar hal bilyan oo dollar beesha caalamka ay ugu deeqdo sanduuqa Ebola, uu helay oo kaliya boqol kun oo doolar. Deeq bixiyayaasha ayaa siiyay afar million oo doolar hey’adaha kale ee QM iyo ururada gargaarka. Dhinaca kale WHO ayaa ku dhawaaqday in Ebola uu ka dhamaaday Senegal.