Cilmi-Baadhis: Inaad Guursataa Waxay Joogtaysaa Caafimaadka Wadnaha

In ka badan 13,000 oo khabiir caafimaad ah oo ku takhasusay cudurada wadnaha ku dhaca, ayaa kulan ay toddobaadkan ku yeesheen magaalada Washington ee carriga Maraykan, waxa lagu soo bandhigay in ka badan 2,000 oo cilmi-baadhis oo la xidhiidha baadhista wadnaha, dawaynta iyo ka-hortagga cudurada wadnaha.

heart_200_200Cilmi-baadhis tiro badan oo halkaa lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa mid deraasad lagu sheegay in qofka xaaska leh ama gabadha la qabo uu caafimaad ahaan ka fayow yahay cudurada ku dhaca wadnaha. ‘Waa laga yaabaa in aad hore u mashaqay in guurku uu u wanaagsan yahay guud ahaan caafimaadka,’ ayaa lagu bilaabay deraasaddaas oo warbixinteeda lagu baahiyay qaybta ka waranta caafimaadka ee telefishanka CNN, isla markaana ay idiin soo turjumeen bahda SIR. Cilmi-baadhistan ayaa lagu ogaaday in saddex milyan iyo badh qof oo baadhis caafimaad oo la xidhiidha dhinaca wadnaha lagu sameeyay, in intooda guursaday ama xaasaska leh aanay la kulmin cudurada ku dhaca wadnaha, isla markaana unugyadooda dhiiggu ay caafimaad qabaan, marka la barbar dhigo dadka aan guursan, qoyskoodu burburay ama lammaankoodu ka dhintay.

Dr. Jeffrey Kuvin, waa afhayeenka dugsiga barashada culuumta la xidhiidha wadnaha ee Maraykanka, wuxuus sheegay in natiijada ka soo baxday deraasaddani ay la xidhiidhi karto saamaynta uu isku-buuqa, welwelka iyo kalinimadu ku leedahay iyo sidoo kale wanaagga guurku leeyahay. Waxa kale oo uu xusay in guurka wanaagsani aanu lahayn buuq, khilaaf iyo ismaandhaaf u dhaxeeya lammaanaha, taasi ay keenayso caafimaad-qabka wadnaha. Sidoo kale wuxuu sheegay afhayeenkani in guurka aan wanaagga ku dhisnayni leeyahay buuq iyo khilaaf badan, taasina ay keenayso in qofka welwelku ku bato, isla markaana ay sahlan tahay in qofka ay ku dhacaan cudurada haleela wadnuhu. Qofka waaya ama uu ka dhinto lammaanihiisu ayaa sidoo kale uu afhayeenku sheegay inay saamayn ku leedahay cudurada wadnaha ku dhaca, sababtoo ah, qalbi-jabka ku dhaca dadku wuxuu keeni karaa buu yidhi ‘In xitaa qofku uu dhimasho u dhawaado.’

Dhinaca kale, wuxuu sheegay sababta dadka guursadaa ay uga halis yar yihiin inay haleelaan cudurada wadnuhu marka la barbar dhigo dadka aan guursan ama laga dhintay inay tahay in qofka guursada uu lammaankiisu mar walba xusuusinayo in uu dhakhtar tago, in uu dawada liqo wakhtigeeda ama uu isagu/iyadu u qaadayso dhakhtar haddiiba xaaladdiisa caafimaad wax iska dhimaan.

Cilmib-baadhayaasha deraasaddan sameeyay waxay sheegeen in dadka baadhista lagu sameeyay ee laga ogaaday faa’iidada caafimaad ee guurku leeyahay ay da’doodu ahayd 50 sanno jir iyo wax ka yar. Waxaanay intaa ku dareen in 12% dadkaasi ay ka badbaadaan cudurada wadnaha ku dhaca.

Loading...