Cilmi-baadhis: Cuntada Milixdu ku Badan Tahay iyo Saamaynta Jidhka ay ku Yeelato

chromosomestructure

Cilmi-baadhisyo hore ayaa lagu iftiimiyey in unugyada (Chromosomes) loo yaqaan Telesmores oo dabiici ahaan soo dedejiya gabowga aad u shaqeeyaan marka qofku sigaarka cabbo amma aannu wax dhaqdhaqaaq ah samayn oo uu ku yar yahay jimicsigu.

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa tilmaamay in carruurta cuna raashinka milixdu aad ugu badan tahay ay unugyada jidhkoodu u ekadaan qaar si degdeg ah u gaboobay, isla markaana muuqaalkoodu noqdo u eg dadka da’ ahaan waaweyn.

Khubaradu waxa ay sheegeen tilmaameen in dadka cuntada milixdu ku badan tahay quuta halis ugu jiraan cudurka wadne-xannuunka iyo dhibaatooyin kale oo jidhkooda ku dhaca, kuwaasoo caafimaad ahaan halis noqon kara.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Georgia Regents University ee ku taal magaalada Augusta ee dalka Maraykanka, ayaa daboolka ka qaadday in qofka oo iska yareeya cuntada aadka u dhanaan amma milixdaba aannu jidhkiisu hore u gaboobin,

marka laga reebo gabawga da’du wadato, iyadoo cilmi-baadhistu xustay in milixdu halista ugu badan ku hayso ku hayso dadka buurbuuran amma miisaankoodu badan yahay.

Cilmi-baadhisyo hore ayaa lagu iftiimiyey in unugyada (Chromosomes) loo yaqaan Telesmores oo dabiici ahaan soo dedejiya gabowga aad u shaqeeyaan marka qofku sigaarka cabbo amma aannu wax dhaqdhaqaaq ah samayn oo uu ku yar yahay jimicsigu.

Sidaa darteed, waa cilmi-baadhistii ugu horraysay ee baadhitaan ku samaysa saamaynta milixdu ku leedahay jidhka qofka, isla markaana ogaata in ay masuul ka tahay in qofku muuqaal ahaan u ekaado qof waayeel ah

Daraasaddan oo lagu sameeyey 766 qof oo da’doodu u dhaxayso 14 jir ilaa 18 jir oo loo kala qaybiyey kooxo, iyadoo loo eegayey inta qof kastaa quuto milix, waxaanay khubaradu heleen in dhallinyarada buurbuuran ee cunaa raashin milixdu ku badan tahay uu jidhkoodu hore u gaboobo ama muuqaalkoodu noqdo sidii qof gaboobay oo kale.

“Milixda haddii la iska yareeyo waxa dadka buurbuuran ka badbadaan in wadne-xannuun ku dhaco. Dadka yaryar haddii ay aad u cunaan raashinka milixdu ku badan tahay waxa jidhkooda ku yimaad gabaw degdeg ah, waana in laga taxadiraa arrintaas,” ayuu yidhi Dr. Haidong Zhu oo hoggaaminayey khubarada cilmi-baadhistan samaysay.