XOG: Qalad Ay Galeen Madaxda Ugu Sareysa DFS Oo Sababay In Askarta Lagu Dilo Waddooyinka.

Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Askari-620x330

Maalmihii ugu horeeyey ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa waxaa magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, xilli dowladda ay sheegtay inay adkeysay ammaanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa aaminsan in hal qalad oo ay sammeeyeen madaxda dowladda ay sabab u tahay amni xummada kusoo korartay magaalada caasimada ah.

Col. Cabdiraxmaan Sheekh Suldaani, ayaa sheegay in ku dhowaaqista madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee DF ee barnaamijka Nabad ku Afur, uu dhiiri geliyey kooxda Al-Shabaab, uuna sabab u yahay waxa iminka ka socda Xamar.

Waxa uu sheegay inay qalad tahay in qorshayaasha amniga iyo ciidamada laga sheeg sheego idaacadaha.

“Cadowgaaga lama yiraahdo ciidamo ayaa jidka kusoo daadiyey, lama yiraahdo qorshe amni oo noocaas ah baan sammeeyey, waa qalad weyn, taasna waxa ay keentay in Shabaabku soo raadsadaan askartii dowladda” ayuu yiri Col. Cabdiraxmaan.

“Marka aad diyaariso qorshe amni iyo mid ciidan looma sheego cadowgaaga” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale, waxa uu afhayeenka Ciidanka Booliska ee Dowladda Gaashaanle Qaasim Axmed Rooble, ku dhaliilay in uu Warbaahinta ka sheegay inay Magaalada Muqdisho soo galeen rag Shabaabka ka tirsan oo doonaaya inay weeraro ka fuliyaan.

“Sarkaal ka tirsan Booliska oo dadka ugu baaqaaya in laga digtoonaado niman wata baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, oo soo galay magaalada ayaan maqlay maalin dhoweyd. Waxaas oo kale miyaa loo sheegaa dadweynaha, wixii sir ah dadka looma sheego.” ayuu sii raaciyey C/raxmaan Suudaani.

(93)

KA DHIIBO FIKIRKAAGA KU AADAN WARBIXINTAAN

Previous Post
Next Post