DHAGEYSO: Wasiirada Hawiye Oo Lagu Amray Inaysan Shaqa Tagin “Xasan Sh. Ha Is Casilo”

Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Kulan maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ku yeesheen Waxgaradka Beel Weyta Hawiye ayaa waxaa ay si cad oga soo horjeesteen Aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay Aqoonsatay Maamulka Sadexda Gobol Ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo waxgaradka Beesha Hawiye,waxaana Wasiirada ka qeyb galay kamid ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow,Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya Mahad Salaad Iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beesha Hawiye waxeyna kulanka ka sheegeen hadalo ay ku dhaliilayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyagoo tilmaamay inuu fashilmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dowladiisa.

Sidoo kale waxa ay Waxgaradka Beel weynta Hawiye sheegeen inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu dulmi weyn ku hayo Beesha Hawiye, isla markaana uusan ku shaqeyneynin fikirkiisa balse fikir kale uu ku shaqeynayo.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa ku amray Wasiirada iyo Xildhibaanada beesha Hawiye in aysan u shaqa tagin dowladda Soomaaliya inta laga gaarayo go’aan rasmi ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay qabaayaa shirweyne beesha Hawiye ay kaga tashaneyso aayaheeda oo lagu qaban doono xarunta maamulka Shabelle State ee degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Saddex Gobal ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegta inuu ka taliyo gobolada Bay, Bakool Iyo Shabeelaha Hoose taasoo ay aad ugu soo horjeedaan Beesha Hawiye maadaama Gobalka Shabeelaha Hoose ay Beeshaasi degto xiligaana ay gacanta ku heyso.

DHAGEYSO GO’AAMADA BEESHA HAWIYE

  (184)

KA DHIIBO FIKIRKAAGA KU AADAN WARBIXINTAAN

Previous Post
Next Post