DAAWO – Farmaajo Oo Furay TV-gii Ugu Horeeyay Oo Soomaalida Holland Yeelato.

Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Waxaa markii ugu horeysay wadanka Holland laga furay TV ay Soomaali leedahay kaasi oo magaciisu uu yahay SOMNEWS TV waxaana uu TV-gan oo ka shaqeyn doona Holland oo kaliya bilowgiisa hore uu ku lammaansan yahay TV-giiga ugu faca weyn warbaahinta la iska arko ee Soomaalida UNIVERSAL TV, kaasi oo isagana isla xafladan lagu shaaciyey in la ballaariyey xafiiskii uu ku lahaa wadanka Holland.

Munaasada lagu daah-furayey TV-gan cusub SOMNEWS TV iyo howlaha Universal TV ee Holland ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Dr, Maxamed Abdilahi Farmaajo, kaasi oo ka qeybgalka arrintan uga yimid dalka Mareykanka oo uu deggan yahay. Waxaana sidoo kale goobta joogey dhammaan madaxda ururada Soomaaliyeed, aqoonyahanka, wariyayaasha, fanaaniinta, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Wariye Shaadiya Muxumed Cabdi oo ah wariye in badan kasoo shaqeyneysay warbaahinta Soomaalida laguna xasuusto labada warbaahin ee kala ah STN iyo Hornafric ayaa munaasabadan hadalka u qeybineysay madaxda iyo shacabkaba, waxaana ay ugu horeyn u yeertay qof ku daah-fura aayadaha qur’aanka kariimka, oo uu akhriyey Cabdi Feynuus oo ah nin dhallinyaro ah.

Guddoomiyaha tv-gan cusub ee SOMNEWS TV ee wadanka Holland Sayid Ali Maxamed Ali “Caseyr” oo bilowgii afka maamulka TV-ga ku hadlay ayaa waxaa uu madaxda iyo ka qeybgalayaasha uga mahadceliyey sida ay u aqbaleen inay goob-joog u noqdaan furitaanka TV-gan oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee ummada Soomaaliyeed ee Holland yeeshaan.

” Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca maamulka iyo howlahadeedana SOMNEWS TV aan mahad-u-celinayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo ahna guddoomiyaha cusub ee xisbiga TAYO kaasi oo ay sharaf inoo tahay inuu nagala soo qeybgalo waliba isaga uu xariga ka jaro TV-gan cusub” ayuu yiri Guddoomiyaha SOMNEWS TV Sayid Ali Maxamed.

somnewstv

Intaasi kadibna waxaa hadalka loo gudbiyey Abdiweli Ibrahim Garyare oo ah agaasimaha Universal TV laantooda wadanka Holland islamarkaana ka mid ah aasaasayaasha TV-gan cusub ee u gaar ah Soomaalida Holland, waxaana uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyey sababta ay u rabaan inay u furaan TV-gan iyo waxa uu ku shaqeyn doono.

” Waxaan marka hore i farxadgelinaya kasoo qeybgalka madaxda iyo shacabka iga hormuuqda. Waxaana ay taasi igu dhiirigelineysaa howsha aan wadno inay macno weyn shacabka u leedahay, maxaa yeelay qiimaha waqtigu idiin ku fadhiyo iyo meelaha fog fog ee aad ka timaadeen ayaa ka marqaati kaceysa howshan inay culeys badan tahay, haddana baahi badan shacabka ay u qabaan. Sidaasi darteed Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Mr, Farmaajo iyo madaxda kale ee madasha fadhisa waxaan idin leeyahay taariikhda bilowga TV-gan baal-dahab ah ayaad ka geli doontaan” ayuu yiri Abdiweli Garyare oo intaasi raaciyey:

” Universal TV laanta ay ku leedahay Holland waxa uu ula shaqeynayaa SOMNEWS TV waa inay hal ujeedo wada leeyihiin, taasi oo ah usoo gudbinta shacabka wararka xaqiiqada ah, laakiin SOMNEW TV waxaa uu si gaar ah xooga u saari doonaa xogta Soomaalida ku nool Holland kuwaasi oo aad moodo dhanka warbaahinta inay aad uga danbeeyaan dunida kale oo ay dadkeena ku nool yihiin. Sidaasi darteed ayaana muddo ku dhaw 2 sano wadnay sidii loo heli lahaa warbaahin la iska arko/ TV oo ay shacabkan helaan si ay u la heer iyo xogba noqdaan ummadaha kale ee kula nool dalka Holland” Ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Mar uu ka hadlayey barnaamijyadda iyo wariyayaasha ka soo muuqan kara shaashadan cusub ee u gaarka ah Soomaalida Holland ayuu sheegay inay ku rajo ka qabaan barnaamijyo dareen-taabasho leh oo laga helo SOMNEWS TV,isagoona intaasi raaciyey inay barnaamij ay wariyayaal kala duwan kasoo muuqdaan ay kawada bixi doonaan UNIVERSAL IYO SOMNEWS TV oo ah lammaani la isku sidkay.

Ali Yaxye oo madax u ah ururka Nabadoon Yaxye oo wax badan u tara agoonta Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay tilaabo horey loo qaaday in la helo muuqaal gudbiye/TV cusub oo u gaar ah Soomaalida Holland, waxaana sidoo kale uu sheegay inuu hambalyeynayo furitaanka xafiiska Universal oo isagana wada shaqeyn la leh SOMNEWS TV. Waxaase uu sheegay in warbaahinta Soomaaliyeed wax badan u baahin yihiin in laga saxo si looga hortago halista ay geysan karto war ay sameeyeen.

” Waxaan marka hore hambalyo aan leeyahay saaxiibada howshan wadda, kuwaasi oo aan aaminsanahay inay wax badan ka badeli doonaan muuqaalka saxaafadda iyo heerka ay shacabka Soomaaliyeed ee Holland ka joogaan. Waa xaqiiq in aan u baahneyn TV inoo gaar ah dadkeena halkan deggan. Waxaa iyaddana bogaadin mudan in Universal TV la shaqeyneyso SOMNEWS TV oo caawa loo fadhiyo furitaankiisa.” ayuu yiri Ali Yaxye oo intaasi raaciyey.

” Warbaahinta faa’iido badan ayey u leedahay ummadaha dunida ku nool balse marka aad fiiriso xogta badi laga helo warbaahinta Soomaalida waxaa kuusoo muuqanaya inaysan heyn dhabihii saxda ahaa. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan uga jeedaa in warar badan oo aan muuqaal wanaagsan ka bixineyn ay inoo soo gudbiyaan, kuwaasi oo waliba u badan kuwa ay xaqiiqadooda yar tahay ama aan si kale u dhigee aysan waxba jirin. Haddaba warbaahin sidaasi ku shaqeysa ma inoo noqon kartaa warbaahin aanu ku faano? waxaan jeclahay in doodaha arrintaasi laga galayo la furo” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Ali Yaxye.

IMG_5060Shamso Shiikh Xasan oo ah guddoomiyaha urur u dooda xuquuqda carurta Soomaaliyeed sidoo kalana ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee sida gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa warbaahinta Soomaalida iyo sida ay u howlgasho ayaa ka mid aheyd madaxdii lagu marti qaaday ka hadalka munaasabadan, iyaddoona dhinac fadhisa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo ayey sheegtay inay farxad u tahay la kulanka 30 sano kadib Farmaajo oo ay suurtagelisay madasha ay qaban qaabiyeen SOMNEWS TV iyo UNIVERSAL TV ee Holland.

” Waxaan hambalyo leeyahay TV-ga SOMNEWS TV oo Holland xooga saari doona iyo Universal TV oo xarunteedii dalkan ballaarisay, kadibna waxaan uga mahadcelinayaa labadaasi TV inayba farxad ii tahay la kulansiinta Farmaajo oo 30 sano ka hor shaqo wadaag aan ku aheyn howlihii dowladii dhexe ee Soomaaliya. ” ayey Shamso Shiikh Xasan oo intaasi raacisay.

” Somnews TV waxaan dhihi lahaa waqti la idiin baahan yahay ayaad dhallateen, waxaana la idin ka sugayaa waa inaad ka dhameysaan wixii aad u dhalateen oo ah wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee halkan jooga. Aniga waxaan si gaar ah idin kala shaqeyn doonaa howsha aan hayo ee wax u qabashada iyo ka hadalka carurta Soomaaliyeed, taasi oo uu ii sheegay Abdiweli Garyare inay iminka u soo gacan banaanaadeen” ayey tiri Shamso Shiikh Xasan.

Eng, Ahmed Maxamuud Xandulle oo wasiir ka ahaa dowladii Abdiqasim Salaad Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu ku biiriyey hambalyada uu u dirayo SOMNEWS TV, isagoona kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan howlaha danta u wada ah shacabka Soomaaliyeed, dhinaca kale shacabkii meesha fadhiyey ayuu kula dardaarmay inay xooga saaraan u hiilinta AFKEENA HOOYO ee Soomaaliga,waxaana uu tusaale usoo qaatay xilka loogu yeerayo madaxa ugu sareeya hadba xukuumadda markaasi jirta, taasi oo uu ku sheegay ” WASIIRKA KOOWAAD EE DALKA”. Waxaana arrintaasi la guddoonsaday dhammaan shacabkii madasha fadhiyey.

Abwaanad Jawahir Ahmed oo ka mid ah hal-abuurada Soomaalida ee sida weyn uga dhexmuuqda kulamada Soomaalida ayaa shalay waxaa ay halkaasi kusoo bandhigtay buraanbur ay ku muujineysay dareenkeeda SOMNEWS TV. Waxaana Sidoo kale ay hambalyo iyo taarto u soo sameyn ugu dartay inay xafladaasi kusoo bandhigto.

Madaxdii kale iyo shacabkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Prof, Abdi Farax, Abdiweli Shiikh Xasan, Maxamed Shiikh Xasan, Fadumo Shiino, Ubax Nacfi, Xamza Shiikh Xuseen “Hanoolaato” kuwaasi oo dhammaantood hambalyo u diray SOMNEWS TV iyo xarunta Universal ee iyadana la ballaariyey.

Laki Waceys oo isku ah Wariye Iyo Fanaan iyo Abdillaahi Jamac oo ah tifaftiraha website-ka www.fogaanarag.com ayaa dhankooda cabiray saxaafadda iyo doorkii ay ka qaadatay samatabixinta dalka iyo horumarka maanta lagu faanayo ee jira. Waxaana ay sheegeen in dadkii badi hadlay aysan xooga saarin qaladaadka kaliya ee loo baahan yahay in la xuso howshan warbaahinta in dad naftooda ay ku waayeen, halka qaar ay qaxooti ku yihiin dunida oo dhan.

“Warbaahinta Soomaalida waa midda hakisay dagaalkii sokeeye, waa midda abuurtay jawi waxbarasho in lagu tartamo, waana midda maanta dadkeena meelkasta oo ay joogaan ku dhiirigelisay wadahadalka dib u dhiska dalkeena, marka yeysan idiin muuqan qalad ay geysteen wariyayaal aan aqoon badan u laheyn howlaha saxaafadda oo baryahan danbe la arkayo” ayuu yiri Abdilaahi Jama oo intaasi raaciyey inuu u hambalyeynayo Somnews TV iyo Universal Tv-ba-

“Aniga waxaa ii farxad ah in munaasabadan aan kula kulmay Abdiweli Shiikh Xasan oo ahaa milkiilihii ETN oo aan mar howl-wadeenada ka mid ahaa. Intaasi kadib waxaan hambalyo leeyahay SOMNEWS TV iyo Universal, anigoo xaqiijinaya in howlaha warbaahinta yihiin kuwa leh duruufo adeg oo u baahan dhabar adeeg. ” ayey tiri Laki Xaaji Waceys.

Ugu dambeyntii waxaa hadalka la siiyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane, Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo si weyn ugu dheeraaday ka hadalka howl-wadeenada SOMNEWS TV iyo waqtiga ay arrintan geliyeen. Waxaana uu cadeeyey inuu hambalyo u dirayo dhammaan howlwadeenada iyo madaxda TV-gan cusub.

” Waxaan hambalyo leeyahay marka hore SOMNEWS TV IYO UNIVERSAL oo si wada jir ah caawa aan ugu marti-nahay. Waxaana si gaar ah hambalyo u leeyahay dhallinyarada howshan mudda ka badan 2-sano soo waday si shacabka Holland deggan uga caawiyaan baahi-warbaahineedka heysata.” ayuu yiri Farmaajo oo muujiyey inay farxad u tahay inuu xariga ka jiro TV-gan cusub iyo xafiiska Universal TV. ” Waxaan ku faraxsanahay in aan caawa xariga ka jiro SOMNEWS TV iyo Universal xaruntooda Holland, aniga oo rajeynayaa in waqtiyo kale oo badan aan ku kulmi doono howlaha ummada Soomaaliyeed ay u hayaan” ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale waxaa uu bogaadiyey in SOMNEWS TV oo cusub lagu mataaneeyo Universal TV oo ah hal-doorka warbaahinta Soomaaliyeed, isagoona sheegay in halkaasi laga baran karo wada shaqeynta ummadda Soomaaliyeed iyo wax la qabsiga qofka kaa horeeyey ee howsha aad ku jirta aqoonta u leh.

“Raga ka shaqeeyey in SOMNEWS TV lagu xiro ama laga dhigo mid la shaqeeya Universal waxaan dhihi karaa waa rag caqli badan oo si taxadar badan ku jira uga fakaray arrintaasi, maxaa yeelay Universal oo warbaahinta Soomaalida meel muhiim ah uga jira inaad adiga oo bilow ah la shaqeyso waxay ku tusineysaa aragti fog.” ayuu yiri R/W hore ee Soomaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo ahna Guddoomiyaha xisbiga TAYO.

Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay SOMNEWS TV inuu la yimaado dadaalo wax ka badeli kara muuqaalka shacabkeena iminka laga heysto gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, shaqooyinka, isdhexgalka ummaddaha kale iyo xitaa in shacabka ay dalkooda wanaag ugu biirin karaan.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaarihii hore Mr, Farmaajo iyo Guddoomiyaha SOMNEWS TV Mudane Sayid Ali Maxamed Ali ayaa si wadajir ah u jaray toorto lagu dul-qoray magaca TV-ga cusub ee SOMNEWS TV, kadibna waxaa la gudda galay casho sharaf loo sameeyey dhammaan martidii halkaasi joogtay.

Somnews TV ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey oo ay Soomaali leedahay oo laga furo dalka Holland kaasi oo ka shaqeyn doona barnaamijyada iyo wararka la xiriira dalkan ay joogaan iyo xitaa wararkii dalkii hooyo.

SOM_NEWS tv (1) SOM_NEWS tv (2)
SOM_NEWS tv (4) SOM_NEWS tv (5) SOM_NEWS tv (6) SOM_NEWS tv (7) SOM_NEWS tv (8) SOM_NEWS tv (9) SOM_NEWS tv (10) SOM_NEWS tv (11) SOM_NEWS tv (12) SOM_NEWS tv (13) SOM_NEWS tv (14) SOM_NEWS tv (15) SOM_NEWS tv (16) SOM_NEWS tv (17) SOM_NEWS tv (18) SOM_NEWS tv (19) SOM_NEWS tv (20) SOM_NEWS tv (21) SOM_NEWS tv (22) SOM_NEWS tv (23) SOM_NEWS tv (24) SOM_NEWS tv (25) SOM_NEWS tv (26) SOM_NEWS tv (27) SOM_NEWS tv (28) SOM_NEWS tv (29) SOM_NEWS tv (30) SOM_NEWS tv (31) SOM_NEWS tv (32) SOM_NEWS tv (33) SOM_NEWS tv (34) SOM_NEWS tv (35) SOM_NEWS tv (36) SOM_NEWS tv (37) SOM_NEWS tv (38) SOM_NEWS tv (39)

Qorey, Ali Dahir Ciid
Sawir qaade: Abdixakiim Abdi Ismacil ” Ilkadhagax”
Delft, Netherlands. (56)

KA DHIIBO FIKIRKAAGA KU AADAN WARBIXINTAAN

Previous Post
Next Post